Cali Guudlaawe oo guddoomiye cusub u soo magacaabay gobolka Hiiraan.

Monday November 16, 2026 - 07:31:21
MeMO Staff
Xilli khilaaf siyaasadeed oo meel sare gaaray uu ka dhaxtaaganyahay maamulka ashahaadda ladirirka Hirshabelle ayuu Cali Guudlaawe qaaday tallaab kale oo khilaafka dab kusii shubaysa.
Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ayaa sheegay in Cali guudlaawe uu magacaabay guddoomiye cusub oo uu yeesho gobolka Hiiraan.

Wareegto kasoo baxday xafiiska Guudlaawe ayaa lagu sheegay in Cabdullaahi Barre Cilmo loo magacaabay guddooniyaha cusub ee gobolka Hiiraan.

Ninkan xilka loo magacaabay ayuu Xasan Gurguurte saacado ka hor dallacsiiyay isagoona ka dhigay Gaashaanlle dhexe, sababta Cabdullaahi Barre xilkan loogu magacaabay ayaa lagu sheegay in lagu xoojiyay Cabdifataax Xasan Barre oo ah ku xigeenka madaxweynaha maamulka Hirshabelle kaasi oo xabsi guri ku ah magaalada Beledweyne.

Xilka guddoomiyaha Hiiraan ee dhanka maamulka ashahaadda ladirirka Hirshabelle waxaa maalmo ka hor iskacasilay Muuse Salaad Wehliye kaasi oo sheegay in uu kasoo horjeedo nidaamka fadhigiisu yahay Jowhar.

Arrintan ayaa kusoo aadaysa xilli dibad baxyo ballaaran oo ka dhan ah kooxda Villa Soomaaliya iyo maamulka Hirshabelle ay saacadihii lasoo dhaafay ka dhaceen gobolka Hiiraan.

Isbuucyadii lasoo dhaafay boqolaal katirsan askarta kooxda Villa Soomaaliya oo kasoo jeedo bariga Hiiraan ayaa ka goosanayay ciidamada kala duwan ee kooxda Gurguurte arrinkaas oo khal-khal keenay illaa markii dambe uu Xasan Gurguurte soo saaray warqad uu ku sheegayo in saraakiil loo dallacsiiyay askarta diidday in ay Beledweyne ugoostaan.

Related Items

Update cookies preferences